Categories
Articles

Astaamaha iyo Calaamadaha

Astaamaha iyo Calaamadaha

Calaamadaha lagu garto qofka qaba dhibaatada qamaar cayaarka waxa ka mid ah:

•  Waqti dheer uu qofku qamaaro ama waqti badan uu qofku ku lumiyo meelaha lagu qamaaro.

•  Qofka oo markasta ka fakaraya qamaarka iyo siduu iskugu diyaarin lahaa.

•  Qofka oo mar walba is leh ka soo kabso khasaarihii ku gaaray oo misna sii galaya khatar weyn isagoo raadinaya guul.

•  Maqnaasho badan uu qofka ka maqanyahay guriga, shaqada, iyo sir aan la ogeyn.

•  Qofka oo u qamaaraya si uu uga dhuunto masuuliyadda iyo cadaadiska nolosha.

•  Deynta oo ku badata

•  Been

•  Sameys falal dambi ah si uu qofku u maalgeliyo qamaarka

•  Qofka oo illooba qoyskiisa/baahida naftiisa sida cuntada, hurdada, iskuulka, ama daryeelka guud.

•  Qofka oo illooba arrimaha jaceylka/ fogaansho caadifad iyo mid jir.

•  Caruurta oo muujisa isceebsi ama dareen dambi (iyagoo aad u qiimeeya maadada lacagta).

•  Canugga oo muujiya dowr sasaan waalid u yaal (daacad u noqosho waalidka marka loo eego waxkasta oo laga dhawaajiyanayo)

Dhibaatooyinka la xiriira mukhaadiraadka iyo aalkolada.