Categories
Articles

Dhallinyarada Iyo Qamaarka

 

Dhibaatooyinka la xiriira korriinka waxaa ka mid ah qaadashada go’aannada ee la xiriira cadaadiska bushadshada. Faafidda degdegga ha ee naadiyada qamaarka ayaa waxey beddeshay ra’yiga dad badan ka qabeen wax lagu tilmaami karo qamaarka la aqbali karo iyo kaan la aqbli Karin—iyo da’da lagu bilaabo karo qamaarka.

Aqoonta loo leeyahay dhallinyarada qamaarta ayaa ah mid kooban. U kuuurgelid la xiriirta arrintan ayaa waxey tilmaantay in:

•  Tirada dhallinyarada qamaarta ee ku nool magaalooyinka Kanada iyo Mareykanka ay isku mid tahay (52-89% dhallinyarada waa qamaartaa)

•  Qamaarka aan tooska aheyn (turubka, sharatanka isboortiga) ayaa aad caan ugu ah dadka da’da yar.

•  Dhallinyarada qaar waxey qamaaraan usbuucii ama biishiiba mar, qaar kalena si joogto ah ayey u qamaaraan.

•  3 ilaa 4% waxey ku sugunyihiin khatarta inuu qamaarku ku noqdo cudur

•  Dhallinyarada isticmaasha waxyaabaha mukhadiraadka ayaa ayaguna ku sugan khatar weyn oo ah iney ku dhacaan dhibaatada qamaar cayaarka.

(masdarka: NRC 1999, AFM, 1990, Nova Scotia Omifacts, 1993)

Waa maxay khatarta ay ku suganyihiin dhallinyarada qamaarta?

Maadaama dhallinyarada maskaxdooda iyo jirkooda ay weli korriin ku jiraan, waxaa ku adag iney xukumaan quwadda jiidaneysa ama ay gaaraan go’aanno wax ku ool ah oo ku saabsan meesha iyo sida loo qamaarayo.

Waxyaabaha ay ka mid yihiin kelinimada, dhibaatada la xiriirta iskuulka, ama waalid aad u qamaara waxey sabab u noqdaan in dhallinyaradu billaabaan qamaar. Cadaadis ka yimaada dadka filkaada ah wuxuu dowr ka qaadan karaa dhibaatada qamaar cayaarka. Qaar ka mid ah dhallinyarada waxey aaminsanyihiin in qamaarku yahay “Caado waqti isdhaafis”. Qaar kalena wax dhaama qamaarka oo ay sammeeyaan ma jirto.

Maadaama qamaarku noqday wax dadka waaweyn bulsho ahaan ay aqblaneen, waxaa sahlan in dhallinyarada ay fududeystaan dhibaatada uu leeyahay qamaarka oo ay masuuliyadda u saariyaan sababo kale.

Waxaa kale oo dhallinyarada ku sii xiisad galiyey qamaarka sharciyada u diidaya iney qamaaraan. Iyadoo uu sharciga reebay in dadka da’doodu yartahay ay ku qamaaraan rugaha lagu qamaaro, haddana waxaa jira habab badan oo ay ku heli karaan cayaaro qamaar.

Astaamaha Dhibaatada Qamaarka ee Dhallinyada

•  Cid uu kalsooni ku qabo ma jirto.

•  Wuxuu dareesanyahay inaanan la daneyneynin, walwal, murug, iyo walaac.

•  Iskuulka oo ku xumaada.

•  Astaamaha bilowga qamaar cayaarka oo lagu arko qofka.

•  Wuxuu qofku isticmaalaa ereyada laga isticmaalo goobaha lagu qamaaro.

•  Qofka oo aanan ka marneyn falal kale oo khatar ah.

Xooji Dhallinyarada

Yareynta khatarta: yareynta dhibaatada

•  Cadaadiska yaree- oggolow qofku inuu wax dooran karo.

•  Ku dhiirri geli go’aanada wax ku oolka ah- ha isku dayin inaad cabdi gelisid qofka.

•  Ugu baaq qofka wixii wax ku ool ah.

Xiriirku ha noqdo mid talooyin ama farriimo wanaagsan wata.