Categories
Articles

Maxaan U Cayaarnaa Qamaarka?

Waxaan u cayaarnaa qamaarka in aan ka helno madaalo iyo raaxo. Dadka qaar waxey u cayaaraan in ay helaan lacag oo markaas ay dhadhansadaan macaanka “guusha weyn” oo gaarsiineysa in riyadooda ay xaqiiqowdo. Dadka qaarna waxey u qamaaraan in ay ka helaaan madadaalo sida habeenkii oo saaxiibada loo raaco kasiinada, ama iyagoo cayaara biingaha si ay u kaameeyaan ururada samafalka. Mararka qaarna waa tikit la iibsado mar keliya. Waxaa kale oo jira dad u qamaara iyagoo jecel taxaddiga, goobta cayaarta, iyo reyreynta “cayaata”

Warbixin ay soo saartay Xarunta Idmaanka Iyo Caafimaadka Maskaxda (CAMH), waxa ay sheegtay in dadweynaha ku nool Ontaariyo ee dheela qamaarka laakiin ka ladan dhibaatooyinka qamaarka ay u qamaaraan sababaha soo socda awgeed:

In ay helaan lacag

Sameys xiriir bulsho

Madaalo

Waqti dhammeys