Categories
Articles

Waa maxay qamaarka dhibaateeya qofka?

Qamaarka dhibaateeya qofka waa nooc kasta oo waxyeeleeya, kala tuura, ama dhibaateeya nafsadda, qoyska, shaqada, xiriirka bulsho, iyo dhaqaalaha qofka. Waxaa kale uu qamaarku saameyaa qofka jirkiiisa, caadifaddiisa, iyo caafimaadkiisa maskaxda.

Warbixintii ugu dambeysey ee lagu soo qoray Tusmada Dhibaatooyinka Qamaarka ee Canada (Canadian Problem Gambling Index) waxaa lagu qeexday qamaarka sidan:

Qamaarka dhibaateeya qofka waa sasaan cawaaqib xumo u keeni kara qofka, dadka la leh xiriir bulsho, iyo mujtamacaba.

Dhibaatada qamaarka kum eka oo keliya qofka qamaaraya, balse dhibaatada waxey gaareysaa qoyska, saaxiibada, dadka lala wadaago shaqada.