Categories
Articles

Qeybaha Cayaaraha Qamaarka:

Dheesha qamaarka waxaa loo qeybin karaa saddex qeybood. Qeybahan waxey ku saleysanyihiin hadba sida natiijada ay u noqon karto mid raandam ah, iyo hadba inta awood uu leeyahay qamaaruhu uu ku xukumi karo natiijaada.

1. Cayaarta raandamka ah (aan laheyn hab ama dariiq la maleynkaro) iyo tan madaxbannaan (makiinadaha lagu dheelo lacagta macdanka ah, lootariyada, laadhuuga, qamaarka garaangarta wareegta)

Waxey cayaartu u dhacdaa si raandam ah, natiijadana waa ay ka madaxbannaantahay cayaarta xigta tan hore. Lama xukumi karo natiijada.

2. Cayaarta raandamka ah iyo tan aan madaxbannaaneyn (turubka, biingaha)

Waxey cayaartu u dhacdaa si raandam ah, natiijada waa mid la qiyaasi karo.

Natiijadau waa la xukumi karaa.

3. Cayaarta aan ahayn raandamka iyo tan aan madaxbannaaneyn (sharatanka isbootiga)

Waad ogtahay waxaad ku sharatameysid.

Waxaad xukumi kartaa natiijada kuu soo bixi karta