Categories
Articles

Gamb-ling : Problem gambling information – Somali

Xaqiiqada Dhibaatada Qamaarka

95% dadweynaha qamaara waa ay ka ladanyihiin dhibaatooyinka qamaarka, laakiin

5% dadweynaha waa qamaarayaal dhibban.

1% ka mid ah 5% dadweynha waa kuwo aan ka joogi Karin qamaarka oo uu ku noqday cudur.

Dad badan oo qamaara ayaan qabin dhibaatooyinka lagu yaqaanno qamaarka. Dadka intiisa badan wey qamaaraan iyagoo naftooda ama cid kale aan dhibaateyn. Warbixin ay soo saartay Xarunta Idmaanka Iyo Caafimaadka Maskaxda 1995 waxey ku sheegtay in 84% dadweynaha ay ugu yaraan sannadkiiba mar qamaaraan, 1/3 dadweynaha (33%) ay ka qeyb qaateen ugu yaraan saddex nooc oo ka mid ah qamaarka sannadkii 1994 (Ferr 1996).

Sidaas ay tahay, waxaa jira qeyb ka mid ah dadweynaha oo ku dhaceysa “dhibaatada qamaar-dheelka”, dhibaatadaas oo wax badan la wadaagta waxyaalaha kale oo iyaguna keena idmaanka. 50% ka mid ah dadka qamaara waxaa la ogyahay iney qabaan dhibaatooyinka la xiriira isticmaalka mukhaadiraadka. Sagaal ilaa iyo siddeed boqolkiiba dadka isticmaala mukhadiraadka waxey ku dhacaan dhibaatada qamaarka-cayaarka. Isticmaalka mukhadiraadka wuxuu aad ugu badanyahay qamaarayaalka da’da yar.

Jason Azmier, oo ah falanqeeye siyaaseed oo u shaqeeya hay’adda Canada West Foundation, wuxuu sheegay in ay adagtahay in la ogaado qofka ay toos u saameeysey dhibaatada qamaarka sababtoo ah waa cudur qarsoon.