Qamaarka iyo Kooxaha Jinsiyadaha/dhaqamada

Markaan u kuurgalnay arrintan oo mid cusub, billowna ah, waxaan xaqiiqsanay in ay tahay qadiyad la xiriirta sida kooxaha jinsiyadaha/dhaqamada kala duwan ay u heli karaan fursad lagu qamaaro iyo inta badan arrinta la xiriirta luqadda ama afka lagu hadlayo. Markaan ka hadleyneyno jinsiyadaha/-dhaqamada, waxaan u jeednaa kooxaha laangaabta ah (minorities) iyadoo erayga koox loo isticmaali karo kooxaha oo idil.

Dhibaatadu Waa Isku mid

 

Q. Maxaa looga hadlayaa qamaarka iyo kooxaha jinsiyadaha/dhaqamada (ethno-cultural)?

A. Dhibaatada qamaarka waa laga simmanyahay.

Qamaarku waa sasaan caalami ah oo dadkoo dhan ku kacaan. Waqtigan la joogo, cilmi-baarayaalka waxey tilmaameen boqolkiiba inta qamaarku ku noqday cudur dadkoo dhami ka simanyahay.

95% dadweynaha qamaara waa ay ka ladanyihiin qamaarka cudurka ah.

5% dadweynaha ayaa ah qamaarayaal dhibban.

1% ka mid ah 5% qamaarayaalka ayuu cudur ku noqday qamaarka ama gabay awooddii ay iskaga qaban lahaayeen.

“Qaddarka falalka qamaarka jinsiyadaha/dhaqamada kama duwana qaddarka falalka qamaar cayaarka ee dadweynaha guud ahaan. (ARF Study, 1996)”

Si kastaba, Waxaan u baahnahay inaan caddeyneyno in arrinku aanu ahayn qamaarka oo keliya balse ay tahay xogwarran la’aanta iyo mawaarid la’aanta oo gelineysa dadka laangaabta ah khatarta qamaarka.

Qamaarka oo lagu tilmaamo ama lagu xanto inuu si aad ah ugu baahay bulshada Shiinaha ee Toronto, ayaa misna waxaa muuqata in faafidda qamaarka ku faafay Shiinaha ay yartahay marka la barbardhigo xaaladdda guud ee dadweynaha qamaara ee ku nool Kanada. Baarista Adeegga Nolosha Qoyska Shiinaha (1998).

Cilmi-baaris aad u weyn lagama sameyn arrintan la xiriirta dhibaatada qamaar-cayaarka iyo qeybaha jinsiyadaha/dhaqamada bulshada. Sidaas awgeed, warbixinta webkan ku qoran waa “hawl-weli-socota” wixii warbixin ah ee soo kordhana halkan ayaan ku soo qori doonaa.

Miyey kala duwanyihiin sababaha ay u qamaaraan jinsiyadaha/dhaqamada kala duwan ee bulshada?

waxba kuma kala duwana sababaha ay dadka u qamaaraan haddii ay yihiin kooxaha laangaabta ah, ama bulshada isku dhafka ah, ama dhaqanka bulshada weynta. Warbixin ay soo saartay Xarunta Idmaanka iyo Caafimaadka Maskaxda, CAMH, waxey ku sheegtay in sababaha dadka ka yimid dhaqamada kala duwan u dheelaan qamaarka ay ka mid tahay:

  • Sameys xiriir bulsho
  • Ka baxsasho dhibaatooyin iyo cidlanimo
  • Sameys xiriir bulsho lala sameysto xubno ka tirsan kooxaha dhaqamada kala duwan.
  • Soo celin darajo bulshadeed
  • U dabaaldeg xaflad diini ah

Qamaarku waa waddo dadkoo dhan ay xiriir bulsho ku sameysan karaan. Hase yeeshee bulsho-dhaqameed kasta waxey leedahay hab bulshadeed iyo madadaalo u gaar ah oo ay ku dooraneyso qamaarka ay dheelayaan. Tusaale, bulshada Talyaaniga waxey caan ku tahay dheesha turubka haddii ay tahay guriga ama naadiyada leyskugu yimaado. Caruurta asalkoodu yahay dhaqanka Aasiya waxaa si caadi ah loo baraa cayaarta Mahjong, ama Fan-Tan oo ah dhaqaxaan la tirinayo. “Fan” macnaheedu waxa weeye “rogid” sheey sida koob ama baaquli, “Tan” macnaheedu waxa weeye “firdhi ” dhagaxaanta.

Marka laga hadlayo qamaar iyo qeybaha jinsiydaha/dhaqamada waa in la xuso arrinta socdaalka (hijrada)-oo dhalineysa isbeddelka nololeed. Cadaadiska dheeraadka ah ee haysta soo geleytiga iyo qaxootiga waxuu dhalin karaa in dadkaasi ku dhacaan dhibaatada qamaarka oo ay ka dhigtaan sabab ay kaga dhuuntaan oo ay iskaga fudududeeyaan dareenka kelinimada, xiisaha waddankii hooyo, murugta iyo kurbo.

Dadka ka soo jeeda dhaqamada kala duwan waxey u qamaaraan iney soo ceshtaan xaalad ama wadci ay horay u lahaayeen, iney is dareensiiyaan iney ka mid yihiin bulshada cusub iyo jamhuurka cusub, ama kulannada dadka, ama iney ka mid noqdaan dadka. Dadkaas ka tirsan dhaqamada kala duwan waxaa laga yaabaa iney qarsadaan dhibaatada qamaarka ama aaney ka doonan kaalmo dadka ku xeeldheer daweynta dhibaatada qamaarka, sababtoo ah bulshadooda oo wax xun ka aaminsan qamaarka. Sidaas awgeed, cidna ma caddeyneyso iney jirto dhibaatada qamaar, waxaa markaas loo baahanyahay kaalmo ka timaada meel ka baxsan bulshada qofkaas. Balse waxaa jirta in qoyska uu qamaaraha ka tirsanyahay cadaadis ka haysto sidey xal ugu heli lahaayeen dhibaatada, daryeelka caafimaad, dhaqaale iyo sharci uu u qofku u baahanyahay.

Waxaa kale oo jira iska-horimaad ku saabsan waxa dhaqamada kala duwan ka qabaan qamaarka, oo qaar diin tahay, ama caadooyin, ama dhaqan, iyo caadooyinka & dhaqanka reer galbeedka ee casriga ah ee aaminsan inuu qamaarku yahay madadaalo.

Maadaama uu qammarku kobciyo dalxiiska, dadka ku hadla luqado badan waxey ka heleyaan fursado shaqo hay’adaha qamaarka (Kasiinooyinka, Biingaha, qololka lagu qamaaro, iwm)** si kastaba, iyadoo ay arrintu ku xirantahay helitaanka/sahlanaanta rugaha qamaarka, waxaa dhici karta inuu qofku ku dhaco dhibaatooyinka qamaarka.**

Maxaa looga hadli la’yahay jinsiyadaha/dhaqamada badan ee bulshada iyo qamaarka?

Dadka tirsan jinsiyadaha/dhaqamada (laangaabta) waa ku yaryihiin meelaha lagu daweeyo cudurka qamaarka. Waxaa taas ugu wacan iyadoo eysan jirin adeeg Talo-bixin (counselling services) oo munaasab ku ah, aqoonne u leh dhaqanadaas oo loo diyaariyey kooxo-dhaqameedyada bulshada, iyo sidoo kale arrinta luqadda oo keeneysa in dadyowgani aaney u sahlaneyn iney helaan adeeg, taasoo dhalineysa in xaaladdooda ku sugnaato u nuglaasho dhibaatada la xiriirta qamaarka.

Khadka kaalmada dhibaatada qamaarka ee Ontaariyo waxuu ka jawaabay 7,284 telefoon muddadii u dhexeysey July 1, 200 ilaa June 30, 2001. 3,777 telefoon oo ka mid telefoonada la soo diray waxey ku saabsanaayeen codsi warbixin guud, 3,548 telefoon waxey doonayeen adeegga daaweynta dhibaatada qamaarka. 24 ka mid dadka soo codsaday daaweynta waxey codsadeen iney heli karaan adeeg ku shaqeynaya afaf aan ahayn Ingiriis. Afafka ajnabi ee la codsaday waxaa ka mid ah: Bunjaabi, Serbiyaan/Kuruweeshiyaan, fiidnaam, Maandariin, Bortuqiis, Faransiis, Taamil, Isbaanish, Shiine, Boolish, Faarisi iyo Garmal. Waxaa jirta baahi loo qabo xeeladaha lagu qaddarin karo khatarta iyo daaweynta ay u baahanyihiin qaamarayaalka oo ku tarjuman afaf kala duwan.

Tirakoob ay soo saartay Statistics Canada 1996, waxey ku sheegtay in tirada bulsho dhaqameedyada (jinsayadaha kala duwan) ku nool Ontaariyo tahay 1/3 dadweynaha ku nool Toronto ( Tiradani waa ay sii kordheysey, 75 % dadka ku nool Toronto waxey ka yimaadeen jinsiyadaha laangaabta ah MZ), sidoo kale 8% dadka ku nool Hamilton, Kitchner & London, iyo 3.5% dadweynaha ku nool degganka St. Catharines iyo Niagara.

Waxaa lama huraan ah in loo baahanyahay in la sameeyo cilmi-baaris badan oo ku saabsan qamaarka iyo jinsiyadaha kala duwan ee bulshada, maadaama rugaha lagu qamaaro ay ku sii badanayaan Niagara, Ontaariyo, iyo guud ahaanba. Bihsii May 2001, Xarunta Cilmi-baarista Qamaarka ee Ontaariyo (OPGRC) waxey bixisay deeq gaareysa $1.6 balyan oo loo adeegsanayo cilmi-baaris lagu darsayo dad kala jaad ah, gaar ahaan jinsiyadaha/dhaqamada kala duwan.

Natiijada ka soo baxda cilmi-baarista aan soo sheegnay waxey waxtar ka geeysandoontaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladda jirta. Marka la helo warbixinno taabagal ah, waxaa suurtoobeysa in la qeexo tallaabooyinka lagula soconayo, laguna daweynayo dhibaatada qamaarka ee jinsayadaha kala duwan. Taas macnahaeedu waxa weeye in dad badan oo reer Ontaariyo ah ay helidoonaan gargaar.

Horumarinta Tallaabooyin Waxtarka u Leh kooxaha Jinsiyadaha/dhaqamada Kala Duwan

La shaqeynta jinsiyadaha/dhaqamada kala duwan iyo ka qeybqaadashada howlahooda waxey furo u tahay horumarinta tallaabooyinka waxtarka leh iyo qaababka kale ee lug ku leh caafimaadka maskaxda si loo maamuuso dhibaatada qamaarka.

  1. Blaszczynski oo maqaal ka qoray cilmi-baaris lagu sameeyey Australia, waxuu ku soo gabagabeeyey maqaaalkiisa “si natiijooyin wax ku ool ah loogu helo jinsiyadaha/dhaqamada kala duwan, dadka ayagu ka shaqeeya mudaawaadka qamaarka waa iney tixgeliyaan kala duwanaanta dhaqamada iyo baahida gaar ahaaneed ee ka jirta dhaqamadaas. Tixgelinta dhaqamada ka soo jeeda jinsiyadaha (minorities) waxey sahleysaa garashada tallaabooyinka la qaadayo iyo isla-shaqeynta. Isfahamkani wuxuu ku saleysanyahay waxyaabaha dhaqamada ay aaminsanyihiin, caadooyinka uu dhaqankaas qaddariyo, mowqifka, iyo baahida kaalin qaadashada. Tixgelinta saameeynta dhaqanka waxey u sahleysaa dadka ka shaqeeyaa mudaawaadka qamaarka iney helaan warar la xiriira jinsiyadaha/dhaqamada marka ay wiidiiynayaan qamaaraha su’aalo munaasab ah, oo weliba fududeynaya faragelin caafimaad oo dhaqankaas munaasab u ah”.

Waxaa khasab ah in meelmarinta howshan ay ka mid tahay:

Isku howlid sidii dadka loo gaari lahaa ama loola xiriiri lahaa.

Horumarinta wada shaqeynta iyo/ama isutag.

Barnaamijada wacyi gelinta iyo ka hortagga

Talobixin lagu dhiibayo afaf kala duwan

Afafka gaarka ah oo wax lagu daabaco.

Kordhinta wada shaqeynta lala shaqeynayo wakaaladaha adeegga oo si gaar ula shaqeeya jinsiyadaha/dhaqamada kala duwan.

Qaabka talo-bixiyaalka (counselors) ay ku ogaan karaan, kuna beddeli karaan mowqifkooda iyo dareenkooda (famahkooda)

 

Qaabka talo-bixiyaalka ay ku ogaanayaan ama ku horumarin karaan xirfadaha la xiriira arrintan.

Xoogga oo la saaro qofka

Baro waxa dhaqamada, diimaha, iyo caadooyinka ay ka qabaan qamaarka.

Tixgeli dhibaatada cadaadiska nafta

Tixgeli kaalinta qoysku ku leeyahay qofka dhaqankiisa.

Garo faa’idada “waqtiga”(oggolow waqti dheeraad ah, ballanyada kala fogfog, dabacsanaan ku imaatinka ballanta/ku imaansho la’aanta ballanta, soo daahista, iwm)

Garo dhismaha qoyska iyo kaalinta gaar ahaaneed ee laga filayo dhaqan kasta.

Raadi taariikh dhaqameedka iyo waxa laga aaminsanyahay qamaarka.

Ogsoonow dareenka laga qabo qamaarka marka la eego jinsiyadda ama dhaqanka uu ka tirsanyahay qofkaas.

Ogsoonow hababka caanka ah ee loo qamaaro gaarna u ah dhaqanka qofka qamaaraya.