Waxaan u khamaarnaa xiisayn iyo ku raaxaysi. Dadka qaar waxay u khamaaraan rajada inay lacag helaan si marka ay u dhandhamiyaan una taabtaan “guusha wayn” – wax keena qaab ay lacag ku helaan si ay riyadooda uga dhabeeyaan. Dadka qaar waxay u khamaaraan madadaalo, sida marka habeenkii ay u raacaan asxaabta kaasinada ama bingada lagu taageerayo urur khayri ah. Laga yaabaa inay tahay iibsiga tigidh mar ah oo lootari. Sidoo kale, waxa jira dad u khamaaraa sababtoo ah waxay jecel yihiin tartanka, bey’adda iyo badhaadhaha “ciyaarta”.
Marka la eego Xarunta La-qabatinka iyo Caafimaadka Maskaxda (CAMH), qaangaarka Ontario kuwaasi oon lahayn dhibaatada khamaarka waxay u khamaaraan asbaabaha soo socda:
- Si ay lacag ugu guulaystaan
- Si ay bulshada u dhexgalaan
- Raaxaysi
- Wakhtiga isku dhaafin
Marka la eego CAMH, dadka kasoo kala jeeda dhaqamada kala duwan waxay u khamaaraan asbaabahan soo socda:
- Si ay bulshada u dhexgalaan
- Si ay uga baxsadaan dhibaatooyinka iyo go’doominta
- Si ay isku bartaan xubnaha kooxo dhaqameed
- Si ay dib ugu hantaan mansabka bulsheed
- Si ay ugu dabbaaldagaal xafladaha diimeed
This page is also available in: English, Arabic, Chinese (Simplified), Italian